Boqolaal ka mid ah dadka ka soo jeeda Armenia oo ka qaxay gobolka Nagorno-Karabakh

Image

YEREVAN, Armenia - Muwaadin u dhashay dalka Armenia ayaa la wadaagay wakaaladda wararka ee Reuters in dadka Armenian ay bilaabeen in ay isaga-baxaan caasimadda gobolka gooni u goosadka ee Nagorno-Karabakh, iyaga oo ku sii jeeda Armenia.

Dowladda Armenia ayaa sheegtay Axaddii in 1,050 qof ay ka soo tallaabeen gobolka Karabakh, oo ah gobol ku yaala dalka Asarbayjan balse ay u badanyihiin qowmiyadda Armenian.

Dawladdu waxay ku dartay bayaanka ay soo saartay in 1,050 qof oo soo galay Armenia laga bilaabo 10:00 habeenimo, iyaga oo ka soo qaxay gobolka dhawaan dagaalka ka qarxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM