Boqolaal ku dhintey dhul-gariir ku dhuftey Turkiga iyo Suuriya

Image
Ilaa 2,470 qof ayaa laga soo badbaadiyay burburka hoostooda, sidda ay sheegeen samatabixiyeyaasha.

ANKARA, Turkey - Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 ayaa ku dhuftay Koonfur Bari Turkiga iyo Waqooyi Galbeed ee Suuriya Isniinta maanta ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 1,797 qof, kumanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 1,014 qof ayaa kaliya ku dhintay dhul-ruxanka Turkiga in ka badan 5,385 qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha iyo kooxaha samatabixiyeyaasha.

Gudaha Suuriya, in ka badan 783 qof ayaa ku dhintay in ka badan 2,000 oo kalena way ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee dawladda Suuriya iyo kooxda samatabbixinta ee Difaaca Madaniga ah ee Suuriya (White Helmets).

Sida laga soo xigtay warbixinta laga helay mas'uuliyiinta, dhul-gariirka ka dhacay gudaha Suuriya ayaa ku dhuftay gobollada Idlib, Aleppo, Latakia, Tartus iyo Xaama.

Dhanka kale, dhulgariir cusub oo cabirkiisu yahay 7.5 magnitude 1:24pm wakhtiga maxaliga ah ayaa ku dhuftay dalka Turkiga, sida ay sheegtay hay’adda sahanka dhulka ee Maraykanka.

In ka badan 2,818 dhismo ayaa ku dumay dhul-gariirka Turkiga, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka dhacay koonfurta gobolka Hatay oo ay ku jirto magaalada Gaziantep. Ilaa 2,470 qof ayaa laga soo badbaadiyay burburka hoostooda.

Dhowr waddan ayaa soo diray deeqo gargaar ah, oo ay ku jiraan Netherlands, Romania, Azerbaijan, UK, Russia, Italy, Greece, Israel, France, Germany iyo Ukraine, halka kuwa kale ay midnimo u muujiyeen labaddan waddan dariska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM