Boqolaal Maraykan ah oo iskood isu xilqaamay si ay u joojiyaan qulqulka muhaajiriinta

Image
Kooxdan ayaa Isniinta u dhaqaaqi doonta xuduudaha uu dalka Maraykanka la leeyahay Mexico.

Austin (GO) - Boqolaal qof ayaa qorsheynaya inay aadaan xadka gobolka Texax ee Maraykanka uu la leeyahay Mexico si ay uga hortagaan muhaajiriinta ka soo gudbaya dalkaas.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka, kooxda ayaa ka abaabulaya dhaqdhaqaaqooda aalada Telegram, waxayna ilaa hadda haystaan ​​1,600 qof.

Kooxdan ayaa Isniinta u dhaqaaqi doonta xuduudaha uu dalka Maraykanka la leeyahay Mexico., waxayna qaban doonaan 3 isu soo bax oo ka kala dhici doona gobollada California, Arizona, iyo Texas.

Kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Annagu ma nihin dagaalyahanno, kaliya waxaan dooneynaa in cid kasta oo xadka ka soo gudubta wax laga qabto, waxaana halkan u nimid in aanu si nabad ah ugu mudaharaadno”.

Kooxdu waxa ay sheegtay in mid ka mid ah yoolkeeda uu yahay in si degdeg ah loo joojiyo socdaalka sharci darrada ah iyo in la xiro xuduudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM