Banaanbaxyaal xirtay Aagga cagaaran ee Baqdaad

Image
Ciidanka ammaanka ayaa xoojiyay albaabka u dhow wasaaradda qorshaynta si ay uga hortagaan dibadbaxayaasha. 

BAGHDAD - Boqolaal ka mid ah dibadbaxayaasha Ciraaq oo ka soo horjeeda natiijada doorashada Barlamaanka ayaa xiray mid ka mid ah saddexda albaab ee Aagga Cagaaran ee Baqdaad, ka dib isku dayo ay ku doonayeen in ay ku galaan xoog goobta sida weyn loo ilaaliyo.

Ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa xoojiyay albaabka u dhow Wasaaradda Qorshaynta, si ay uga hortagaan dibadbaxayaasha. 

Dibad-baxayaashu waxay dhisteen teendho ka dib markii ay isku dayeen inay gudaha u galaan Aagga Cagaaran, oo ay ku jiraan xarumaha dawladda, wasaaradaha,  safaardaha shisheeye iyo guryo ay degan yihiin mas'uuliyiin.

Dadka banaan baxayey ayaa ku doodaya in natiijada doorashadii 10-kii October ay ahayd mid aan sax ahayn, waxayna dalbanayaan in gacanta lagu tiriyo natiijada.

Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegtay in dibad baxayaasha ay u arkaan maleeshiyada taageersan Iran inay yihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa ee doorashada Barlamanka dalkaas.

Waxaa jiray warar sheegaya in rasaas la isweydaarsaday kadib gacan ka hadal dhexmaray ciidamada Ciraaq iyo dibad baxayaasha oo muddo saddex toddobaad ah ku sugnaa bannaanka Aagga Cagaaran.

GAROWE ONLINE +WAKAALADAHA

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM