Banaanbaxyaal xirtay Aagga cagaaran ee Baqdaad

Image
Ciidanka ammaanka ayaa xoojiyay albaabka u dhow wasaaradda qorshaynta si ay uga hortagaan dibadbaxayaasha. 

BAGHDAD - Boqolaal ka mid ah dibadbaxayaasha Ciraaq oo ka soo horjeeda natiijada doorashada Barlamaanka ayaa xiray mid ka mid ah saddexda albaab ee Aagga Cagaaran ee Baqdaad, ka dib isku dayo ay ku doonayeen in ay ku galaan xoog goobta sida weyn loo ilaaliyo.

Ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa xoojiyay albaabka u dhow Wasaaradda Qorshaynta, si ay uga hortagaan dibadbaxayaasha. 

Dibad-baxayaashu waxay dhisteen teendho ka dib markii ay isku dayeen inay gudaha u galaan Aagga Cagaaran, oo ay ku jiraan xarumaha dawladda, wasaaradaha,  safaardaha shisheeye iyo guryo ay degan yihiin mas'uuliyiin.

Dadka banaan baxayey ayaa ku doodaya in natiijada doorashadii 10-kii October ay ahayd mid aan sax ahayn, waxayna dalbanayaan in gacanta lagu tiriyo natiijada.

Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegtay in dibad baxayaasha ay u arkaan maleeshiyada taageersan Iran inay yihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa ee doorashada Barlamanka dalkaas.

Waxaa jiray warar sheegaya in rasaas la isweydaarsaday kadib gacan ka hadal dhexmaray ciidamada Ciraaq iyo dibad baxayaasha oo muddo saddex toddobaad ah ku sugnaa bannaanka Aagga Cagaaran.

GAROWE ONLINE +WAKAALADAHA

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM