Boqorada UK oo laga xayuubinayo xil ay ka hayso Jamaica

Image
Barbados ayaa talaabo noocaan oo kale qaadey taasoo soo afjartey sanado ay Queen Elizabeth II haysatay maqaam madaxeed.

LONDON, Britain – Boqorada Ingiriiska ayaa waayi doonta maqaamkeeda madaxeed ee jasiirada Caribbean-ka ee Jamaica, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Hannaanka looga xayuubinayo boqoradda jagada ay hadda u hayso Jamaica oo ah madaxa dowladda waxay mari doontaa dhowr marxaladood oo ay ka mid yihiin cod ay u qaadaan mudaneyaasha baarlamaanka iyo afti dhanka shacabka ah.

Marlene Malahoo Forte QC, madaxa wasaaradda Sharciga iyo arrimaha dastuurka, ayaa arrintan kaga dhawaaqday baarlamaanka taasoo keeni doonta in Jamaica ay noqoto Jamhuuriyad.

Ms Malahoo Forte ayaa tiri: "Ujeedadu waa in ugu dambeyntii la soo saaro Dastuur cusub oo Jamaica ah, oo uu ansixiyay baarlamaanka Jamaica, in la dhiso Jamhuuriyadda Jamaica oo baarlamaani ah meeshana laga saaro boqortooyadda, xaqiijinta aayo-ka-tashigayada, iyo hidaha dhaqanka".

Waddanka Barbados ayaa talaabo noocaan oo kale qaadey taasoo soo afjartey sanado ay boqoradda Ingiriiska maqaam madaxeed ku lahayd dalkan ku yaala jasiirada Caribbean-ka.

Boqoradda UK, Queen Elizabeth II oo dhowaan u dabaaldegtay in ay xilkan hayso 260-sano, ayaa xubin sharafeed sarre ka haysatay qaar kamid ah dowladaha uu soo gumeystay Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM

Caalamka oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran

Midowga Yurub ayaa ku tilmaantay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda, halka dalal ay ka mid yihiin India.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 10:53AM