Boqorka Bahrain: Maanta wax iga farxad badan ma jirto inaan la kulmo Putin

Image

MOSCOW - Boqorka Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa ayaa Arbacadii shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Ruushka, isagoo ka degay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee magaalada Moscow, halkaasoo xaflad soo dhaweyn ah si toos ah looga daawanayay TV-ga Ruushka loogu sameeyay.

Al Khalifa wuxuu la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Khamiista maanta ah, sida uu sheegay aqalka Kremlin.

"Madaxdu waxay ka wadahadleen xaaladda hadda ka jirta Bariga Dhexe iyo iskaashiga Ruushka iyo Bahrain ee ganacsiga, dhaqaalaha, tamarta iyo dhaqanka," ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyadda Ruushka.

Boqorka ayaa markii ugu horeysay gaaray dalka Ruushka muddo sideed sano ah, isagoo booqashadii ugu dambeysay ay ahayd sanadkii 2016. 

"Tani waa mid ka mid ah maalmaha ugu farxadda badan noloshayda sababtoo ah tani waa maalinta aan sugayay inaan kula kulmo," ayuu Boqorka Bahrain u sheegay Putin.

2022, boqorku wuxuu ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo wada xaajoodyada Ruushka iyo Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM