Boqorka Jorden oo iska diiday booqashada Biden

Image

CAMMAAN - Jordan ayaa go'aansatey in aan lagu qaban shirka afar geesoodka ah ee u dhaxeeya Boqor Cabdallaha II iyo madaxweynayaasha Mareykanka, Falastiin iyo Masar oo lagu waday in Arbacada uu ka furmo magaalada Cammaan.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden uu baajiyay booqashadiisa Jordan kadib markii uu la tashaday boqorka Jordan.

Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Biden uu la hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo boqorka Jordan kadib weerarkii lagu qaaday isbitaalka Qasa..

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa tilmaamay in sababta ugu weyn ee madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas uu uga baxay shir madaxeedka Cammaan ay tahay baroordiiqda saddex maalmood ka dib weerarkii isbitaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM