Boqorka Jorden oo iska diiday booqashada Biden

Image

CAMMAAN - Jordan ayaa go'aansatey in aan lagu qaban shirka afar geesoodka ah ee u dhaxeeya Boqor Cabdallaha II iyo madaxweynayaasha Mareykanka, Falastiin iyo Masar oo lagu waday in Arbacada uu ka furmo magaalada Cammaan.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden uu baajiyay booqashadiisa Jordan kadib markii uu la tashaday boqorka Jordan.

Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Biden uu la hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo boqorka Jordan kadib weerarkii lagu qaaday isbitaalka Qasa..

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa tilmaamay in sababta ugu weyn ee madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas uu uga baxay shir madaxeedka Cammaan ay tahay baroordiiqda saddex maalmood ka dib weerarkii isbitaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM