"Boqorkii Musiibada" flimada Hindiya oo 98-jir ku dhintay

Image

NEW DEHLI, India - Dilip Kumar, oo ahaa mid kamid ah jilaayaashii ugu horeeyey uguna caansanaa India, ayaa ku dhintey magaaladda Mumbai isagoo ah 98-sano jir, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Halyeey run ah, Kumar wuxuu jilay in ka badan 65 filim mudo ku dhow shan iyo toban sano, wuxuu ciyaaray doorar u dhaxeeya jilaa, agaasime, soo-saare iyo mid kamida xigaha Shaneemooyinka Hindiya.

"Waxaa la dhigay isbitaalka 30-kii Juun ka dib markii uu ka cawday neefsasho la'aan. Wuxuu si joogto ah u xanuunsanaa bilo," ayuu yiri mid kamid ah xubnaha qoyskiisa oo codsadey in aan la magacaabin.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa: "Kumar wuxuu ifka uga tagay xaaskiisa, Saira Banu, oo ah atariisho Bollywood ah lafteeda. Lamaanayaashu wax carruur ah ma laheyn".

Tacsi ka imaaneysa madax iyo taageereyaashiisa ayaa baraha bulshada ugu qulqulaysa cabqrigan - siyaasiyiinta, xiddigaha Bollywood-ka iyo xitaa taariikhyahanno ayaa Twitter-ka ku soo qoray tacsida.

Filimadda shineemooyinka India kuwooda ugu guulaha badan ee uu jilay Kumar ayaa waxaa laga soo qaadan karaa; Mughal-e-Azam, Devdas, Naya Daur (New Era), Ram Aur Shyam iyo Madhumati.

Waxaa lagu naanaysi jiray "Boqorka Musiibada" muuqaalkiisa wanaagsan, timaha jiifa iyo codka qoto dheer awadeed. Jilaagan oo magaciisa saxda ah uu yahay Mohammad Yusuf Khan bishii Diseembar 11, 1922.

Wuxuuna ku dhashay magaalada Peshawar, oo hadda ku taal Pakistan. Aabihiis wuxuu ahaa ganacsade miro ah oo qoyskiisa geeyay caasimada madadaalada Hindiya 1930-yadii.

Iyadoo ay weheliso Dev Anand iyo Raj Kapoor, Kumar ayaa wuxuu ka mid ahaa seddexdii magac ee waaweynaa ee uruursadey biladaha dahabka shineemooyinka Hindida laga soo bilaabo 1940-yadii ilaa 1960-yadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM