Boqortooyada Sacuudiga oo xabsi u taxaabtay saddex Itoobiyaan ah

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Wasaaradda Arrimaha Gudaha boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay xirtay saddex Itoobiyaan ah kuwaasoo lala xiriirinayo dab xoogan oo todobaadkii hore ka kacay buuraha Ghulamah.

Buurta Ghulamah ayaa si gaar ah waxay ugu taalaa gobolka Koonfur Galbeed dhaca ee Asir halkaasoo ay ku nool yihiin 2,211,875 ruux.

Wakaaladda wararka u faafisa Sacuudiga oo tibaaxdey in la tuhunsaneyaasha ay wajihi doonan baaris iyo su'aallo waydiin ayaa daabacdey in wax laga waydiin doonan sababta iyo qaabka uu ku kacay dabkaas xoogan.

"Xariga wuxuu ka dambeeyay markii la helay macluumaadyo tilmaamaya in qaar badan oo ku xadgudubay nidaamka amniga xuduudka ay dabka kiciyaan markii muran uu dhexmaray," ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada.

Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dabka uu burburiyey 4.7 milyan oo kilo mitir isku wareeg ah iyo dhir badan oo goobtaas ku baaraneyd.

Kahor inta uusan geysan waxyeelo intaas ka balaaran, ciidamadda dab-damiska ee gobolka Asir ayaa ku guuleystay in ay baqtiijiyaan dabkaas lasoo wariyey in uusan geysan waxyeelo dhimasho ama dhaawac oo dad soo gaarey.

Itoobiyaanka ayaa kamid ah dadyowga qaxooti ahaan ku galay Sacuudi Carabiya ee ka doonta shaqooyinka. Balse, waxay la kulmaan tacadiyo iyo tarxiil maadaama qaabka ay uga talaabeen xadka uu yahay mid sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM