Boqortooyada Sacuudiga oo xabsi u taxaabtay saddex Itoobiyaan ah

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Wasaaradda Arrimaha Gudaha boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay xirtay saddex Itoobiyaan ah kuwaasoo lala xiriirinayo dab xoogan oo todobaadkii hore ka kacay buuraha Ghulamah.

Buurta Ghulamah ayaa si gaar ah waxay ugu taalaa gobolka Koonfur Galbeed dhaca ee Asir halkaasoo ay ku nool yihiin 2,211,875 ruux.

Wakaaladda wararka u faafisa Sacuudiga oo tibaaxdey in la tuhunsaneyaasha ay wajihi doonan baaris iyo su'aallo waydiin ayaa daabacdey in wax laga waydiin doonan sababta iyo qaabka uu ku kacay dabkaas xoogan.

"Xariga wuxuu ka dambeeyay markii la helay macluumaadyo tilmaamaya in qaar badan oo ku xadgudubay nidaamka amniga xuduudka ay dabka kiciyaan markii muran uu dhexmaray," ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada.

Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dabka uu burburiyey 4.7 milyan oo kilo mitir isku wareeg ah iyo dhir badan oo goobtaas ku baaraneyd.

Kahor inta uusan geysan waxyeelo intaas ka balaaran, ciidamadda dab-damiska ee gobolka Asir ayaa ku guuleystay in ay baqtiijiyaan dabkaas lasoo wariyey in uusan geysan waxyeelo dhimasho ama dhaawac oo dad soo gaarey.

Itoobiyaanka ayaa kamid ah dadyowga qaxooti ahaan ku galay Sacuudi Carabiya ee ka doonta shaqooyinka. Balse, waxay la kulmaan tacadiyo iyo tarxiil maadaama qaabka ay uga talaabeen xadka uu yahay mid sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM