Boqortooyaddii uusan calankeeda cadceedda la dhicin oo dalal hor leh ka baxayaan

Image
Sanadkii hore waxaa ka baxay dalka Barbados oo hadda noqotay jamhuuriyad. 

LONDON, UK - Dalka Antigua iyo Barbuda ayaa ku dhowaaqay in ay ka baxayaan boqortooyada Ingiriiska, islamarkaasna noqonayaan jamhuuriyad madax banaan kadib geeridii boqran Elizabeth II. 

Gaston Browne oo ah Raisulwasaaraha dalkaasi ayaa sheegay in afti dadweyne loo qaadayo kasii mid ahaanshaha boqortooyada. 

Dalkani wuxuu ka mid yahay 15 dal oo hoos harsanayay calanka boqortooyadda oo mar lagu tilmaami jirey mid uusan calanka ka dhicin. 

Waxaa dalalkaasi ka mid ah Britain, Australia, Canada, New Zealand , Iceland , The Bahamas, Belize, Graneda, Saint Kitts and Navis, Saint Lucia, Saint Vincent, Grenadines, Solomon Island, Jamaica , Papua New Ginue iyo Tuvalu. 

Sanadkii hore waxaa ka baxay dalka Barbados oo hadda noqotay jamhuuriyad. 

Dalka Australia waxaa jira baaqyo cusub oo ku wajahan in boqortooyada laga boxo, balse Raisulwasaaraha hadda jooga Antony Albanis wuxuu sheegay in ugu yaraan moowduucaas aanan laga hadli doonin dhawrka sano ee soo socota. 

Boqorka cusub ee Charles III ayay u taalaa hawl xoogan oo uu kusii xajinayo dhammaan dalalkii ay boqortooyada maamuli jirtay iyo waliba ururka barwaaqo sooranka oo xudun u ah awoodihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM