Brazil: dibadbaxyo looga soo horjeedo musuq maasuqa oo weli socda

Image

April 13, 2015 (GO)- Boqollaal kun oo qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay jidadka magaalooyinka waaweyn ee dalka Barazil.

Dibadbaxeyaasha oo ku lebisan dhar midabkoodu jaalle iyo cagaar yahay waxay dalbanayaan in Madaxweyne Dilma Rousseff xafiiska baneyso maadama -sida ay ku doodayaan- ay ku fashilantey wax ka qabashada hoos u dhaca dhaqaalaha, shaqo la'aanta iyo musuq maasuqa.

Dadka ayaa sidoo kale ku dhawaaqaya hal ku dhigyo liddi ku ah xisbiga shaqaalaha (PT) oo labo iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey siyaasadda Brazil hoggaanka u hayey. Brazil ayaa kamid ah wadamada ugu dhaqaalaha fiican dalalka soo koraya balse heerka shaqo la'aanta ayaa aad u sarreeya.

Adduun lacageed oo gaaraya 3.8 bilyan oo doolar ayaa la musuq maasuqey dhowrkii sano ee ugu dambeeyey. Lacagtaas badankeedana waxaa la rumeysan yahay inay jeebka ku shubteen mas'uuliyiin magac leh oo ka tirsan dowladda Dilma Roussef ay hoggaamiso.

Rousseff oo mar labaad sanadkii hore ee 2014 dib loo doortey waxay dalka Brazil madaxweyne kasoo ahayd laga soo bilaabo sanadkii 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM