Britain: Waxaan kala hadlaynaa xulafadeena aqoonsiga dawladda Falastiin

Image
Cameron ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara loo helo dhibaatada shacabka Falastiin.

London (GO) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu daraasad ku samayn doono arrinta aqoonsiga dawladda Falastiin oo ka mid ah wadamada ku mideysan Qaramada Midoobay.

Cameron ayaa BBC-da u sheegay in London ay ka fiirsaneyso in ay aqoonsato dowlad Falastiin ah, isaga oo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in xal waara loo helo dhibaatada shacabka Falastiin.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu soo bandhigo xilliga uu si rasmi ah u aqoonsanayo dawladda Falastiin, wuxuuna yiri "Falastiiniyiinta waa in la siiyaa aragti siyaasadeed si loo dhiirigeliyo nabadda Bariga Dhexe."

Wasiirka ayaa ka sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo ka dhacday Westminster
in Boqortooyada Ingiriiska ay mas'uul ka tahay go'aaminta sida ay u ekaan doonto dowladda Falastiin loo dhisi doono,"

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM