Bulgaria: Dalxiiseyaal badan oo ku nafwaayey shil baabuur

Image
Todobo qof ayaa ka badbaadey musiibadan waxaana loo qaaday isbitaalka iyaga oo gubanaya.

SOFIA, Bulgeria - Ugu yaraan 46 qof oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa geeriyooday kadib markii uu shil galay bas ay saarnaayeen kaasoo kal dambe ku gubtay galbeedka Bulgaria markii uu dab ka kacay.

Dadka dhintay ayaan wali si rasmi ah loo magacaabin, balse saraakiisha ayaa sheegay in ay ku jireen 12 caruur ah, iyo dhalinyaro badan oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 30 jir.

Baska ayaa ka diiwaan gashanaa Waqooyiga Macedonia, waxaana inta badan dadkii saarnaa ay ahaayeen dalxiisayaal ka soo laabtay safar ay ku tageen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shilkan ayaa hakiyey isu socodka waddo weyn oo koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Sofia abbaaraha 02:00 xilliga maxalliga ah (00:00 GMT), sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

"Todobo qof ayaa ka baxsaday baska waxaana loo qaaday isbitaalka iyaga oo gubanaya," ayuu yiri goobjooge kaasoo intaas ku daray in qaar kamid ah bukaanadda ay xaaladoodu halis tahay.

Labo wiil oo mataano ah oo afar jir ah ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan. Wasiirka arrimaha gudaha Bulgaria, Boyko Rashkov, ayaa booqday "goobta argagaxa leh" wuxuuna xusay in dadkii badbaaday si xun u gubteen.

Ma cadda sababta keentay musiibadan. Saraakiisha Bulgaria ayaa is-waydiinaya sida baska uu uga leexday wadada weyn una jeexjeexay masaafo dhan 50m (164ft) oo ka mid ah xadiga shilalka baabuurta.

Balse ma cadda in taasi ay ahayd ka hor iyo ka dib markii uu dab qabsaday. Bulgeria oo kamid ah dalalka Bakaliniska ee Yurub wuxuu caan ku yahay waddooyin ay dhinacyadda kaga yaaliin buuro ku fiican dalxiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM