"Buufin basaas ah" oo dulmaray waqooyi-galbeed ee Mareykanka

Image
Washington ayaa dhacdadan ku eedeysay Shiinaha oo dhankiisa isku-difaacay in uu xaqiijinayo dhacdadan.

TORONTO, USA - Canada ayaa sheegtay in ay kala shaqaynayso Maraykanka "dabogalka" iyo "hubinta" buufin looga shakisan yahay "basaas Shiinaha soo dirsadey," sidda laga soo xigtey warbaahinta.

Buufinkan ayaa lagu arkay hawada xadka Mareykanka iyo Canada. Wasaaradaha gaashaandhiga labada dal waxay sheegeen in ay baaritaan ku wadaan "dhacdadan shakiga badan dhalisay".

Sarkaal Ameerikaan ah ayaa sheegay in buufinta uu dulmaray waqooyi-galbeed ee Mareykanka, halkaas oo ay ku yaallaan qaar kamid ah saldhigyadda ciidamadda cirka.

Sidoo kale, goobtaas ayaa la aaminsan yahay in ay yaalaan gantaallada istiraatiijiga ah ee Nukliyeerka ah ee ku jira dhulka hoostiisa. Lama ogga haddii ku talogalka uu ahaa xog-uruurinta xarumahaas.

Shiinaha ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen xaqiiqooyinka ku xeeran sheegashada Mareykanka ee ah in Beijing ay soo dirsatay "buufin basaas ah".

Xukuumadda Beijing oo erayo adag uga falcelisay eedeymaha uga yimid Washington ayaa cod dheer waxay kaga dhigtey "abaaburida qiyaali aan jirin". Fariintan waxay dhalisay tuhun ku saabsan dhacdadan.

Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka ayaa ahaa mid kacsan maalmo uun ka hor booqashadii naadirKA ahayd ee uu Beijing ku tagay diblumaasiga ugu sareeya Ameerikaanka ee Antony Blinken.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM