Gabar Soomaali ah oo u sharaxan bilad sugaaneed sare

Image
Nadiifa Maxamed oo isku-dabariday Buuggan ayaa kasoo muuqatay liiska musharaxiinta ugu dambeysa.

LONDON, Britain - Gabar qoraal Somaali-British ah, Nadiifa Maxamed, ayaa waxay kamid noqotay lixda qof ee ugu dambeysay ee ku tartameysa abaalmarinta caanka ah ee Booker Prize ee sanadka 2021-ka.

Booker Prize waa abaalmarin suugaaneed oo maqaam-sare leh. Nadiifa waa qofka labaad ee kasoo jeeda Afrika ee liiska kusoo baxay waxaana wehliya Damon Galgut oo South Afrika kasoo jeeda.

Nadiifa ayaa tartanka waxay ku galaysaa buugga "The Fortune Men" kaasoo magaala madaxda waddanka Wales ee Cardif ay kusoo bandhigtey kadib dagaalkii labaad ee Aduunka.

Buugga "The Fortune Men" ayaa lagu waramay in uu yahay mid soo koobaya taariikhda Maxamuud Mataan, oo ah badmaaxi Soomaali ah kaasoo si khaldan loogu eedeeyay in uu geystay dil.

"Buuga wuxuu ku saabsan taariikhdii horey ay ahmiyad weyn u leedahay sooyaalka maanta jira," ayuu yiri Maya Jasanoff oo kamid ahaa garsooreyaasha go'aanka ka gaarey buugga.

Damon Galgut ayaa qudhiisa wuxuu tartanka ku galayaa buugga The Promise. Buuggan wuxuu xambaarsan yahay sooyaalka qoys cadaan ah iyo tacadiyadda ay kala kulmeen dowladdii midab-takoorka.

"Su'aasha ugu dambeysa ee buuga isku waydiinayo qoraagga waxay tahay cadaalad - hadda waa cadaalad dhab ah - miyay ka jirtaa aduunka," ayuu yiri Chigozie Obioma oo ka tirsan kooxda dooda ee Booker.

Waa markii labaad oo qoraayaal Afrikaan ay kusoo baxaan liiska kama dambeysta. Tsitsi Dangarembga oo Zimbabwe u dhashay iyo Maaza Mengiste oo Itoobiyaan-Ameerikaan ayaa sanadkii hore kasoo muuqdey.

Balse, biladda waxaa ku guuleystay Douglas Stuart oo u dhashay UK. Xagaagan guuleystaha waxaa lagu dhawaaqi doonaa bisha November. Nadifa iyo Galgut waxaa wehliya Patricia Lockwood iyo Anuk Arudpragasam.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM