Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Image

Sanca, Yemen – Warbaahinta Al Masirah oo ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa saaka oo Axad ah shaacisay in warshad koronto oo ku taalla koonfurta caasimadda Yemen ee Sanca lagu weeraray, taasoo keentay in qaar ka mid ah matoorada warshaddaasi ay shaqada joojiyaan.

Al Masirah ma aysan magacaabin cidda ka dambeysay weerarka ay ku tilmaantay “gardarro”, balse waxay sheegtay in uu ka dhashay dab weyn oo ay hadda ku howlan yihiin kooxaha gurmadka rayidka ah si loo damiyo.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ay maqleen ugu yaraan laba qarax xalay fiidkii ka dhacay magaalada Sanca.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Israa’iil ay sii wado duqeymo ay ka fulinayso gudaha Yemen, iyada oo sheegtay inay uga jawaabayso weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta — kuwaas oo ay ugu magac dareen “taageero ay u hayaan Falastiiniyiinta ku sugan Gaza” intii uu socday dagaalka halkaas ka aloosan.

Xuutiyiinta ayaa marar badan ku hanjabay kana fuliyay weerarro dhinaca badda iyo cirka ah oo ay ku beegsadeen Israa’iil, inkasta oo inta badan gantaalladooda la qabtay ama la toogtay kahor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, iyaga oo ku eedeeyay khatar ay ku yihiin badaha gobolka.

Bishii May, Mareykanka ayaa si lama filaan ah u shaaciyay heshiis uu la galay kooxda Xuutiyiinta, kaasoo lagu joojiyay weerarrada cirka ee ay Maraykanku ku hayeen, si ay u hakadaan weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta ganacsiga.

Si kastaba, Xuutiyiintu waxay sheegeen in heshiiskaasi uusan ka mid aheyn wax ku saabsan in laga daayo weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM