Caawiyaha shaqsiga ah ee gabadha Trump oo laga helay Coronavirus

Image

WASHINGTON, US – Caawiyaha shaqsiga ah ee Ivanka Trump ayaa laga helay safmarka Coronavirus, sidda ay ku warantay warbaahinta Mareykanka.

Ivanka ayaa lataliye sarre u ah aabaheeda, madaxweyne Donald Trump, waxaana arrintaan lasoo wariyey ay sii xoojineysaa walaaca ku saabsan in hogaamiyahaan 73-sano jirka ah uu haleelay fayruska.

Sikastaba, caawiyaha ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay ku shaqeyn guriga Ivanka Trump, oo aysan wadda xiriirin ku dhowaad laba asbuuc, sidda uu baahiyey telefishinka CNN ee afka dheer.

Labadooda – Ivanka iyo seygeeda Jared Kushner, sidda laga soo xigtay majaladda The Hill, waa laga waayey caabuqa sidda ku faafa.

Kushner ayaa lataliye sarre u ah madaxweyne Donald Trump, wuxuuna haystaa awood uu daqiiqad kasta kula kulmi karo.

Wararkaan ayaa kusoo baxaya xilli sarkaal sarre oo ka tirsan Aqalka Cad lasoo wariyey in uu qaadey xanuunka dilaaga ah.

Katie Miller, agaasimaha warfaafinta xafiiska madaxweyne ku xigeenka, Mike Pence, una dhaxda Stephen Miller, oo lataliye sarre u ah madaxweyne Donald Trump, ayaa Jimcadii uu soo ritay.

Trump oo ku dhawaaqay xaaladda Katie Miller ayaa ku tilmaamay arrin dhaxdin leh, wallow uu u rajeeyay soo kabasho deg-deg ah.

Askari ka tirsan guutada sidda dhow ula shaqeysa qoyska Trump ee ciidamadda badda Mareykanka ayaa si lamid ah asbuucii hore laga helay.

Illaa iyo haatan, Mareykanka waxaa laga soo sheegay in ka badan 1.3 milyan oo kiisas Coronavirus ah, iyaddoo dhimashadda ay ku dhow-dahay 80,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM