Calanka Falastiin oo la suray xarunta Qarmada Midoobay

Image

01 Octoer, 2015(GO)-Waxaa markii ugu horaysay laga taagay xarunta Qarmada Midoobay ee New York calanka dalka Falastiin, ka dib markii dhawaan goluhu ogolaaday.

Hogaamiyaasha iyo shacabka reer Falastiin ayaa soo dhaweeyay in calankooda ka mid noqdo kuwa suran xarunta Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxaana qaybo ka mid magaalooyinka dalkaasi ka dhacay dabaaldagyo.

Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabaas, oo ka hadlayay kulanka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Xukuumadiisu uusan mardambe u xayirnaan doonin heshiisyo lala galo Israa'iil, isagoo ku eedeeyay Yuhuudda in ay sii waddo kutumashada Heshiiskii Oslo, ee la saxiixay sanaddii 1993-dii:

Sidoo kale Cabaas waxa uu ugu baaqay caalamka in uu ilaaliyo danaha Falastiiniyiinta.

Hadalka Cabbaas ayaa keenay falcelin deg deg ah oo ka timid Ra’iisal wasaaraha Isra'iil Benjamin Netanyahu oo sheegya in hadalka hogaamiyaha Falastiin uu ahaa mid khiyaamo leh, isla markaana dhiiri galinaya kicin iyo burbur Bariga Dhexe ka dhaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta oo ku hanjabay inay “go’doomin” ku soo rogi doonaan Sacuudiga 

Weerarkii lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Sancaa ayaa yimid xilli xiisadda gobolka ay sii kordhayso.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 05:04AM

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM