Calanka Falastiin oo la suray xarunta Qarmada Midoobay

Image

01 Octoer, 2015(GO)-Waxaa markii ugu horaysay laga taagay xarunta Qarmada Midoobay ee New York calanka dalka Falastiin, ka dib markii dhawaan goluhu ogolaaday.

Hogaamiyaasha iyo shacabka reer Falastiin ayaa soo dhaweeyay in calankooda ka mid noqdo kuwa suran xarunta Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxaana qaybo ka mid magaalooyinka dalkaasi ka dhacay dabaaldagyo.

Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabaas, oo ka hadlayay kulanka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Xukuumadiisu uusan mardambe u xayirnaan doonin heshiisyo lala galo Israa'iil, isagoo ku eedeeyay Yuhuudda in ay sii waddo kutumashada Heshiiskii Oslo, ee la saxiixay sanaddii 1993-dii:

Sidoo kale Cabaas waxa uu ugu baaqay caalamka in uu ilaaliyo danaha Falastiiniyiinta.

Hadalka Cabbaas ayaa keenay falcelin deg deg ah oo ka timid Ra’iisal wasaaraha Isra'iil Benjamin Netanyahu oo sheegya in hadalka hogaamiyaha Falastiin uu ahaa mid khiyaamo leh, isla markaana dhiiri galinaya kicin iyo burbur Bariga Dhexe ka dhaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM