California oo laga sharciyeeyay in bukaanku is dili karo

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa ku biiray gobolada kale ee ogolaaday in si sharci ah ay dhakhaatiirtu ugu fududayn karaan in nafta laga qaado bukaanka qaba xanuuno aan la dawaynkarin.

Gafernatoore Jerry Brown ayaa saxiixay sharcigaasi Isniintii.

Sharcigan waxaa dhiirigaliyay dhacdo la xiriirta haweenay qabtay xanuun aan la dawayn karin oo ku noolayd California oo aaday Oregon si ay si sharci ah isugu disho.

24 gobol oo dalka Maraykanka ku yaala ayaa sanadkan soo bandhigay sharciga dhigaya in qofka lagu caawiyo in uu dhinto, laakiin midkoodna kama dhaqan galin.

Dhaqdhaqaaqa xaqa uu qofku u leeyahay in uu dhinto ayaa taageero ka helay California kaddib markii Brittany Maynard, oo qabta Kansar kuna noolayd gobolkaas ay u wareegtay Oregon si ay si sharci ah nafta isaga qaado.
Qoyskeeda oo ay ka mid tahay hooyadeed Debbie Ziegler, ayaa sheegay in ay taageersanyihiin sharcigaas cusub.

Xigasho BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM