Calooshood u shaqaystayaasha Ruushka oo "laga diley" 30 kun

Image
Wasaaradda difaaca UK ayaa sheegtay in tirada askarta Ruushka kaga dhimatay Ukraine ay kor dhaafayaan 200 kun oo askar.

WASHINGTON, USA - Dowladda Maraykanka ayaa sheegeysa in kooxda Wagner ee calooshood u shaqaystayaasha ah ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Ruushka ee Ukraine laga dilay dagaalamayaal kor u dhaafaya 30 kun.

Afhayeenka Aqalka Cad ee arrimaha amniga qaranka John Kirby ayaa xusay in 90% askartaasi dhimatay ay yihiin dad maxaabiis ahaa oo horey dambiyo u geystay oo dagaalka si qasab ah loosoo galiyay.

Dhanka kale wasaaradda difaaca UK ayaa tibaaxdey in tirada askarta Ruushka kaga dhimatay Ukraine ay kor dhaafayaan 200 kun oo askar.

Wagner ayaa ah koox shirkad gaar ah ay maamusho oo calooshood u shaqaystayaal ah, kuwaas oo kaliya ku hawlgala mushaar iyo in faa’iidooyin kale oo ay ka mid tahay in laga cafiyo dambiyo ay Ruushka gudihiisa ka geysteen.

Waxa ay hadda dagaal laga jiraan magaalada Barkhut halkaas oo la sheegay in waxoogaa horumar ka sameeyeen, lagana yaabo in ay magaalada la wareegaan kadib todobaadyo ay dagaalada socdeen.

Magaalada oo ay degenaayeen 70 kun oo qof ayaa hadda waxaa ku haray 6 kun oo kaliya sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM