Cambaareyn caalami ah oo ka dhalatay dilka Ismaaciil Haniya

Image
Inta badan dowladaha dunida ayaa dhaleeceeyay dilka hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee Xamaas.

DOOXA, Qadar - Hogaamiyahii dhanka Siyaasadda ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya ayaa lagu lagu dilay Tehran, aroornimadi hore ee Arbacada ee maanta sida ay baahisay wakaaladda Wararka Iiraan.

Dhanka kale Bayaan isna kasoo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Tahran ee Caasimadda Iiraan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa cambaareeyay dilka hogaamiyaha Xamaas, isagoo intaa raaciyay in marnaba aan la ilaabi doonin dadaalkii uu u galay xoreynta dadka reer Falastiin.

Inta badan dowladaha dunida ayaa dhaleeceeyay dilka hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee Xamaas Ismacil Haniyah,kaas oo ka dhacay Dalka Iran.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka hoggaamiyaha Xamaas Ismaciil Haniyah ku tilmaantay dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee dalkaasi.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay dilka hoggaamiyahaasi ee ka dhacay Tehraan, iyadoo Weerarka dilka ku tilmaantay in looga gol leeyahay in lagu baahiyo dagaalka Qaza oo laga dhigo heer gobol.

Haniyeh ayaa 1962-kii ku dhashay xero qaxooti oo ku taala xeebta galbeed ee magaalada Gaza, ka dib markii waalidkiisa ay ka carareen gurigooda oo u dhow halka hadda loo yaqaan Ashkelon intii uu socday dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.

Dilka Haniyah ayaa yimid wax ka yar 24 saacadood ka dib markii saddex qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah la dilay, 74 kalena lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ka geysatay Beirut.

Israa’iil ayaa ugu yaraan 39,400 oo qof ku dishay duulaanka Gaza , iyadoo ay ku dhaawacmeen 90,996 qof, kuwaas oo u badan Caruur iyo haween.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM