​Canada: Dab weli ka Holcaya gobolka Alberto

Image

Dab xooggan ayaa weli ka holcaya gobolka shidaalka laga qodo ee Alberto Canada, waxaana masiibadaasi ku barakacay in kabadan 80, 000 oo qof oo loo daadgureeyo magaalada shidaalka laga faago ee Fort McMurray, waxaana kuwaasi oo loo qaaday meelaha fayoow.

Wali waxaa jira cabsi xooggan oo ma hirgalin dadaalka ay wadaan kooxaha gurmadka, waxaana hadda laga baqayaa inuu dabku ku fido gobolka dariska la ah ee loo yaqaano Saskatchewan, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaasi.

Dabeylo deegaanka ka socda ayaa caqabad ku noqday dadaalka ay wadaan boqolaalka dab demiska ah ee aaggaasi ka howlgalaya.

Waxaa la rumeysan yahay in dabkaasi uu hadda gubay keymo iyo dhul baaxadooda lagu qiyaasay saddex iyo bar kun oo kilo mitir oo isku-weer ah.

Saraakiisha ayaa ka digaya in haddii aanu roob deegaankaasi ka di’in, ay dabeylaha jira dabka sii hurin karaan muddo bilooyin ah.

Dalka Canada ayaa muddo ku Asbuuc dhan la daalaa dhacayay xakamaynta dab bur-buriyay qaybo badan oo kamid ah gobolka Alberta, waxayna xaaladdu u muuqataa mid la xakayn waayay oo faraha kasii baxday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM