Canada: Dabka Alberta oo sii baahaya

Image

Dabka xooggan ee ka holcaya gobolka Alberta ee dalka Canada, ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu ku faafo gobolka deriska la ah ee Saskatchewan, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaasi.

Dabeylo deegaanka ka socda ayaa caqabad ku noqday dadaalka ay wadaan boqolaalka dab demiska ah ee aaggaasi ka howlgalaya. Dabka ayaa dhaliyay in 80,000 oo qof laga daadgureeyo magaalada shidaalka laga qodo ee Fort McMurray, waxaana ay saraakiishu sheegayaan in ay wadaan daadgureynta kumannaan qof oo ku xanniban waqooyiga magaaladaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in dabkaasi uu hadda gubay keymo iyo dhul baaxadooda lagu qiyaasay saddex iyo bar kun oo kilo mitir oo isku-weer ah.
Saraakiisha ayaa ka digaya in haddii aanu roob deegaankaasi ka di’in, ay dabeylaha jira dabka sii hurin karaan muddo bilooyin ah.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM