Canada oo cunaqabatayn ku soo rogi doonta dad u dhashay Israa'iil

Image
Cunaqabataynta ayaa lagu soo rogoya dadka Israa’iiliyiinta"xagjiriinta" ah ee degan Daanta Galbeed.

Ottawa (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada Melanie Jolie ayaa sheegtay inay cunaqabatayn ku soo rogi doonaan madaxda Xamaas iyo dadka Israa’iiliyiinta ah ee huriya rabshadaha ka socda Daanta Galbeed.

Wareysi ay siisay wakaaladda wararka ee Canadian Broadcasting Corporation maalintii Axadda, ayay Jolie ku sheegtay in qaar ka mid ah dadka Israa’iiliyiinta ah ee huriya rabshadaha ka socda Daanta Galbeed & madaxda Xamaas lagu soo rogi doono cunaqabatayn cusub."

Waxay ku dartay: "Arrintan si adag ayaan uga shaqeyneynaa, waxaana rajeynayaa inaan dhowaan ku dhawaaqo."

Ra'iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu ka fikirayo inuu cunaqabatayn ku soo rogo dadka Israa’iiliyiinta"xagjiriinta" ah ee degan Daanta Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM