Canada oo dalka ka eriday mas’uul Hindi ah oo ku lug lahaa kiis dil

Image

OTTAWA, Canada - Canada ayaa ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka eriday diblumaasi u dhashay dalka Hindiya, kadib markii looga shakiyay in uu xiriir la lahaa dil bishii Juun dalkaas loogu geystay hogaamiye taabacsanaa diinta “Sikh”.

Wasiirka arrimaha dibadda Canada Melanie Jolie ayaa tiri, "Waa wax aan la aqbali karin in wakiil ka socda dowladd ajnabi ah uu ku lug yeesho dambi lagu dilay muwaadin Canadian ah."

Waxay sii raacisay: "Sidaas daraadeed waxaan maanta Canada ka saarnay dublamaasi sare oo Hindi ah," iyadoo aan magacaabin.

Hardeep Singh Nigar, oo la dilay bishii Juun ee la soo dhaafay, wuxuu madax ka ahaa macbadka “Sikh”, isaga oo u doodi jiray in la dhiso dawlad madax-bannaan oo ay leeyihiin dadka aaminsan diintaas loona bixiyo magaca "Khalistan."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM