Dowlada Canada oo qaadaneysa 20,000 oo qaxooti ah

Image

OTTAWA, Canada — Dowladda Canada ayaa shaaca ka dhigtey inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxda ururadda haweenka.

Dadkaas waxaa kamid ah shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan.

"Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno," ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa'id o uu Jimcihii qabtay.

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaqaalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul.

Laakiin, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, maadaama shaqada noocan ah uu yahay mid xaasaasi ah oo warbaahinta aanan loosoo bandhigin guud ahaan tafaasiisha.

Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen.

Canada oo kamid ah daneeyeyaasha Afghanistan ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan, ayna kala shaqeyneyso xulafadeeda ku sugan waddankaas.

"Ilaalinta Safaaradda Canada iyo shaqaalaheenna ayaa ah ahmiyadeenna koowaad," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Marc Garneau kaasoo rajeeyay in qorshaha uu guuleysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

Israel oo markale weerari doonta Iran

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 11:07AM