Dowlada Canada oo qaadaneysa 20,000 oo qaxooti ah

Image

OTTAWA, Canada — Dowladda Canada ayaa shaaca ka dhigtey inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxda ururadda haweenka.

Dadkaas waxaa kamid ah shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan.

"Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno," ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa'id o uu Jimcihii qabtay.

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaqaalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul.

Laakiin, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, maadaama shaqada noocan ah uu yahay mid xaasaasi ah oo warbaahinta aanan loosoo bandhigin guud ahaan tafaasiisha.

Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen.

Canada oo kamid ah daneeyeyaasha Afghanistan ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan, ayna kala shaqeyneyso xulafadeeda ku sugan waddankaas.

"Ilaalinta Safaaradda Canada iyo shaqaalaheenna ayaa ah ahmiyadeenna koowaad," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Marc Garneau kaasoo rajeeyay in qorshaha uu guuleysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM