Caqabad soo wajahdey howlaha gurmadka dhul-gariirka Turkiga

Image
Samatabbixiyaasha Jarmalka iyo ciidamada Austria ayaa hakad galiyay howlgalladii baaritaanada.

ANKARA, Turkey - Qalalaase ka taagan koonfurta dalka Turkiga ayaa hakad galiyay dadaaladii samatabixinta kadib dhul gariirkii dadka badan ay ku dhinteen ee Isniintii dhacay, sida ay sheegeen saddex kooxood oo gurmad ah.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka Turkiga iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 28,000 oo qof, waxaana sii yaraanaya rajada laga qabo in la helo dad kale oo badan oo ka badbaaday dhulgariirka.

Samatabbixiyaasha Jarmalka iyo ciidamada Austria ayaa hakad galiyay howlgalladii baaritaanada Sabtidii, iyaga oo ku sababeeyay isku dhacyo dhexmaray kooxo aan la magacaabin.

"Ammaanka ayaa la filayaa inuu ka sii daro maadaama saadka cunnada uu sii yaraanayo," mid ka mid ah samatabbixiyeyaasha oo ay soo xigatay warbaahinta caalamka ayaa sidaas sheegay.

Ku dhawaad ​​50 qof ayaa loo xiray bililiqo, iyadoo la qabtay dhowr qori, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in uu adeegsan doono awood deg deg ah si uu u ciqaabo cid kasta oo ku xad gudubta sharciga.

Ugu yaraan 6,000 oo dhismo ayaa ku dumay  Turkiga, waxaana su’aalo la iska weydiinayaa haddii laga baaqsan karay masiibadaas iyo in dowladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay wax badan ka qaban lahayd nolosha dadka.

Mr Erdogan waxa uu qirtay khaladaad ka yimid jawaabta, laakiin waxa uu booqdey mid kamid ah goobaha musiibada ay sida xoogan u saameysay: "Waxyaabahan oo kale mar walba way dhici jireen, waa qayb ka mid ah nolosheenna".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM