Caqabad soo wajahdey shirkii golaha ammaanka ee Myanmar

Image

NEW YORK, USA – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo shir albaabada u xiran yihiin ka yeeshay afgembiga Myanmar ayaa ku guuldareystay in ay soo saaraan war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku cambaareynayaan inqilaabka milari.

Fadhigaas deg-deg ah ayaa ka dambeeyay markii ergayga Britain u qaabilsan Myanmar uu golaha la wadaagay warbixin ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la taageero geedi u socodka dimuqraadiyada dalkaas ee "halista wajahaya".

Christine Schraner Burgener ayaa ku nuux-nuuxsatay in Myanmar ay u baahan tahay gurmad deg-deg ah oo kaga yimaadda saaxiibadda caalamiga ah.

Ciidamadda ayaa waxay xabsi u taxaabeen hogaamiyihii dalkaas, Aung San Suu Kyi, maaxweynaha iyo siyaasiyiin kale oo kamid ahaa xisbiga taladda haya.

Diblumaasi ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in dowladaha Shiinaha iyo Ruushka ay codsadeen waqti dheeraad ah oo ay go’aan uga gaaraan bayaanka uu golaha kasoo saarayo xaaladda ka oogan dalkaas dhaca Koonfur-Bari Aasiya.

Burgener ayaa intii ay warbixinta jeedineysay waxay xustey in aan lagu kalsoonaan karin balanqaadka milatariga xukunka qabsaday ee ah in ay qaban doorashooyin xalaal ah, kuna talisay in loo midoobo xaalka taagan.

Maadaama muhiim ay tahay in bayaanka lagu dalbado sii deynta madaxda xiran, in lagu taageero soo celinta kala dambeynta sharciga iyo xormeynta xuquuqul insaanka, war-saxaafadeedka wuxuu u baahan yahay cod wada ogol ah.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa kamid ah shanta waddan ee haysta codka diidmadda qayaxan ee Golaha Ammaanka, kaasoo awood u siinaya in gabi ahaanba ay laalaan go’aan kasta oo goluhu isku raaci lahaa kahor inta aan si rasmiya loo baahin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM