Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Image

Haweeney lagu magacaabo Casha Xasan ayaa si rasmi ah u qiratay dambiyo la xiriira musuqmaasuq ballaaran oo ku lug leh barnaamijyada daryeelka autism-ka iyo quudinta carruurta ee ay maalgeliso dowladda Mareykanka.

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Casha Xasan ayaa noqotay eedeysanihii ugu horreeyay ee lagu soo oogo dacwad la xiriirta khiyaano lagu sameeyay barnaamijka daryeelka autism-ka ee ay maalgeliso Medicaid-ka gobolka Minnesota. Khamiistii, waxay qiratay inay ku lug lahayd khiyaano lacageed oo gaareysa 14 milyan oo doollar, taas oo si sharci-darro ah looga qaatay barnaamijkaas.

Intaa waxaa dheer, Casha Xasan ayaa sidoo kale qiratay inay boqolaal kun oo doollar ka xadday barnaamijka caanka noqday ee Feeding Our Future, lacagahaas oo loogu talagalay carruurta danyarta ah xilligii cudurka COVID-19.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in eedeysanuhu uusan kaligiis falalkan ku lug lahayn. Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee heer federaal, Joe Thompson, ayaa sheegay in baaritaannadu muujiyeen in eedeysanayaal badan ay isku mar lacag ka qaadanayeen barnaamijyo kala duwan oo dowladeed, gaar ahaan Medicaid iyo barnaamijyada kale ee gargaar bulsho.

Dacwaddu waxay sidoo kale muujisay in Asha Xasan ay lahayd shirkad lagu magacaabo Smart Therapy LLC, taas oo la sheegay in loo aas-aasay bixinta daryeel hal-hal ah oo carruurta qaba autism-ka ah. Hase yeeshee, sida ku cad dukumiintiyada maxkamadda iyo qirashadeeda, iyada iyo dad kale oo la shaqeynayay ayaa la xiriiri jiray waalidiin ka tirsan bulshada Soomaaliyeed, iyagoo carruurtooda ku qorin jiray shirkadda, mararka qaarkoodna siin jiray laaluush ama gunnooyin, si loogu sameeyo biilal been-abuur ah ama loogu diiwaangeliyo adeegyo aan waligood la bixin.

Qirashada dambiga ee Casha Xasan ayaa sidoo kale ku jirta heshiis ay ku ogolaatay inay bixiso ku dhowaad 16 milyan oo doollar oo ah lacag celin (restitution) loogu talagalay dowladda Mareykanka.

Dhanka xukunka, qirashadu waxay la micno tahay in Asha Xasan ay wajihi karto xukun xabsi oo u dhexeeya 70 ilaa 87 bilood, inkasta oo go’aanka kama dambaysta ah uu qaadan doono garsooraha maxkamadda. Ilaa waqtiga xukunka rasmiga ah la gaarayo, eedeysanaha ayaa weli xor ah, mana xirna.

Kiiskan ayaa qayb ka ah baaritaanno ballaaran oo ay wadaan hay’adaha federaalka, kuwaas oo lagu eegayo sida loo isticmaalay malaayiin doollar oo gargaar dadweyne ah, gaar ahaan barnaamijyada loogu talagalay carruurta nugul iyo qoysaska danyarta ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM