Casharka Mareykanka ka baran karo heshiiska Iran iyo Sacuudiga

Image
Heshiiska ayaa waxa uu muujinayaa saamaynta Shiinaha ee Gacanka Persia, halkaas oo muddo dheer isku hayeen isaga iyo Maraykanka.

RIYADH, Saudi Arabia - Dowladaha Sucuudiga iyo Iran ayaa heshiis dublimaasiyadeed oo taariikhi ah ku kala saxiixday dalka Shiinaha kadib markii dowladda Chinaay dhexdhexaadin ka samaysay.

Inkasta oo heshiiska uu yahay mid horudhaca ah, oo ay dhimanyihiin shirar badan oo waxyaabo badan lagaga wada hadli doono, haddane waxa ay arrintani noqotay dhacdo weyn oo xiriirka caalamiga ah maadaama xiriirka labadan dal uu go’naa wax ka badan 8 sano.

Heshiiska ayaa waxa uu muujinayaa saamaynta Shiinaha ee Gacanka Persia, halkaas oo muddo dheer isku hayeen isaga iyo Maraykanka, wuxuuna hadda Shiinaha caddaynayaa in uu masraxa siyaasadda adduunka wax ka maamulo oo uusan Maraykanka inkiri karin.

Xiriirka labadan dal ayaa go’ay kadib markii Sucuudiga ay dil toogasho ah ku fulisay wadaad shiici ah, taas oo keentay in dad dibad baxayaal ah ay weeraraan safaaraddooda Tehran, iyada oo xitaa hoggaamiyaha sare ee Iran Aayatulaah Khumeyni uu dhaleeceeyay xukunka Sucuudiga.

Xukuumadda Riyadh ma doonayso in ay macaamil dhaqaale la yeelato Iran, sababtoo ah waxa uu ka fogaanayaa in ay saamayso cunaqabataynta Maraykanka.

Falanqeeyeyaasha waxa ay tilmaamayaan in heshiiska labada dal uu mustaqbalka dhow sababi karo in xal laga gaaro dagaalka Yemen oo ay dalalkani kala taageeraan labada dhinac ee isku haya.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in heshiiska uu kaliya hoos u dhigi karo xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac, balse uusan natiijooyin waaweyn keeni doonin.

Horey ayay heshiisyo u galeen labadan dal, iyaga oo xitaa aad isugu fiicnaan jirey mar, balse marar kale oo dhawr ah ayuu xiriirkooda gaaray meel xun sababo ku aadan loolankooda maamulida Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM