Chile: Gole wasiiro haween u badan oo lagu dhawaaqay

Image
Madaxwayne Gabriel Boric aya si weyn wuxuu u difaacay talaabadan uu qaaday.

SANTIAGO, Chile - Gabriel Boric, madaxweynaha la doortay ee Chile, ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirada ee ugu horeeyay, isagoo inta badan jagooyinka siiyay haween halka qaar badan uu siiyay hogaamiyayaashii hore ee mudaaharaadyada.

14 ka mid ah 24-ka wasiir ee cusub ee lagu dhawaaqay Jimcihii waa haween, oo ay ku jirto wasiirka gaashaandhigga Maya Fernandez - oo ay awoowe u tahay madaxweynihii hantiwadaaga Salvador Allende, kaasoo afgambi militari sameeyay 1973-kii.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee qaabilsan ilaalinta amniga gudaha ayaa tagi doonta Dr Izkia Siches, oo dhawaan madax ka ahayd ururka caafimaadka qaranka.

"Kooxdan waxaan ku abuurnay dad diyaarsan, aqoon leh, khibrad leh, isla markaana u heellan ajendaha isbeddelka uu dalku u baahan yahay," ayuu yiri Boric.

Shaacinta golaha wasiirada ayaa timid kadib markii Boric oo 36 jir noqon doona ka hor inta uusan xilka qaban 11-ka March uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimo ee bishii hore.

Wuxuu ku ololeeyay casriyeynta waaxda caafimaadka dadweynaha ee Chile, taas oo u adeegta %80 dadweynaha iyo nidaamka hawlgabka ee sida gaarka ah loo maamulo iyada oo kor loo qaadayo faa'iidooyinka iyo kordhinta mushaharka ugu yar.

Kala duwanaanshiyaha bulshada ee qarankan dhaca Koonfurta Ameerika ayaa dhaliyay banaanbaxyo baahsan 2019 taasoo ka dhalatay xasaradaha siyaasadeed iyo dib-u-habaynta dastuurkii dalka ee xilligii kalitaliska.

Golaha wasiirada Boric waxaa ka mid ah ugu yaraan lix wasiir oo da'doodu ka yar tahay 40 jir, oo ay ku jiraan kuwii hogaaminayey mowjado isu soo bax ah 2011-kii oo loogu talagalay horumar, waxbarasho lacag la'aan ah.

Shaqsiyaadkaas waxaa kamid ah ninka ka tirsan Congress-ka waddanka Chile ee lagu magacaabo Giorgio Jackson oo ka tirsan isbahaysiga Broad Front ee Boric, kaasoo loo magacaabay xilka awooda badan ee xoghayaha guud ee madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM