China oo eedeeyay Mareykanka xilli wadahadalo u bilowdeen

Image
Xiriirka labadan wadan ayaa si aad ah wuxuu u xumaaday intii uu xilka hayey Donald Trump. [File Photo: NBC]

WASHINGTON, USA - Shiinaha ayaa Mareykanka ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray "is-mari-waaga" dhinaca xiriirka labada dal xilli wada hadalo heer sare ah oo fool ka fool ah ay ka bilowdeen magaalada waqooyi-barri Shiinaha dhacda ee Tianjin.

Kulan uu la yeeshay diblomaasiga labaad ee ugu sareeya Mareykanka Isniintii, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Shiinaha Xie Feng wuxuu ku booriyay Washington "inay bedesho maskaxdeeda aadka u qaldan iyo siyaasadeeda halista ah," sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Xinhua.

“Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha waa istaagayaa oo wuxuu wajahayaa dhibaatooyin aad u daran,” ayay wakaaladda wararka ee Xinhua ka soo xigatay Xie oo la hadlaya ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Wendy Sherman.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Mareykanku wuxuu rabaa inuu dib u soo nooleeyo dareenka ujeedka qaran isagoo aasaasaya in Shiinaha uu cadow ku yahay danahiisa".

Sherman ayaa booqashadeeda Shiinaha waxaa lagu daray goor dambe iyaddoo socdaal ku mareyso Aasiya si gaar ah wadamadda kala ah; Japan, Kuuriyada Koofureed iyo Mongolia.

Socdaalkaas wuxuu daaran yahay muranka u dhexeeya Beijing iyo Washington, waxaana qorshuhu yahay in gelinka dambe Isniinta ay la kulanto Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi, xubin ka tirsan golaha gobolka , ama golaha wasiirada Shiinaha.

Waa sarkaalkii ugu sareeyay ee Mareykan ah ee booqasho rasmi ah ku taga Shiinaha tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu xafiiska la wareegay lix bilood ka hor.

Xiriirka wadamadan ayaa si aad ah u xumaaday intii uu xilka hayey Donald Trump. Labada dhinacna wali wey isku khilaafsanyihiin arrimo badan oo ay kamid yihiin xuquuqda aadanaha, Hong Kong, Xinjiang, tikniyoolajiyadda iyo arrimo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM