Ciidamada dalka Kenya oo macalimad kasoo badbaadiyey Afduub

Image

15 October, 2015 (GO)- Ciidamada Kenya ayaa sheegey in maanta dib u soo furteen macalimad kooxda Al-shabaab afar cisho qafaasheen kuwaasoo ula talaabey gudaha dalka Somalia.  

Macalimadaan oo magaceeda la yiraahdo Judy Mutua ayaa kooxdaan ka qafaasheen maalinadii Isniinta xerada qaxootiga ugu weyn caalmka ee Dhadhaab.

Kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh ururka argagixsada ah ee Al-Qacida ayaa macalimadaan la galey gudaha Somalia meel xadka Kenya goob u jirta 15 km  halkaas oo ciidamo ka tirsan KDF iyo kuwa Jubaland weerar ay ku qadeen subaxnimadii Jimacaha ku diley mid kamid ah kooxdaas halka ay nolol ku qabteen mid kale.

Afhayeen u hadley ciidamada Kenya ayaa saxafaada u sheegey Judy Mutua laga soo furtey kooxdii afduubtey kadib markii weerar qorsheysan lagu qaadey maleeshiyaadka Al-shabaab ee halkaas ku dhuumaleysanyey.

Kooxda Al-shabaab ayaa weerao qorsheysan ku qaada dalka Kenya kuwasoo kamid ahaa midka ay ku xasuuqeen 148 ardey oo dhiganyey jamaacad ku taala magalaada Garisa.

Xerada Dhadhaab oo ay ku xereysan yihiin qaxooti Somali ah ee gaaraya 350,000 ayaa ku taal 80km gudaha dalka Kenya. Dadkaan ayaa kasoo cararey intooda badan dagaaladii ka dhacey Somalia 1991.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM