Ciidamada dalka Kenya oo macalimad kasoo badbaadiyey Afduub

Image

15 October, 2015 (GO)- Ciidamada Kenya ayaa sheegey in maanta dib u soo furteen macalimad kooxda Al-shabaab afar cisho qafaasheen kuwaasoo ula talaabey gudaha dalka Somalia.  

Macalimadaan oo magaceeda la yiraahdo Judy Mutua ayaa kooxdaan ka qafaasheen maalinadii Isniinta xerada qaxootiga ugu weyn caalmka ee Dhadhaab.

Kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh ururka argagixsada ah ee Al-Qacida ayaa macalimadaan la galey gudaha Somalia meel xadka Kenya goob u jirta 15 km  halkaas oo ciidamo ka tirsan KDF iyo kuwa Jubaland weerar ay ku qadeen subaxnimadii Jimacaha ku diley mid kamid ah kooxdaas halka ay nolol ku qabteen mid kale.

Afhayeen u hadley ciidamada Kenya ayaa saxafaada u sheegey Judy Mutua laga soo furtey kooxdii afduubtey kadib markii weerar qorsheysan lagu qaadey maleeshiyaadka Al-shabaab ee halkaas ku dhuumaleysanyey.

Kooxda Al-shabaab ayaa weerao qorsheysan ku qaada dalka Kenya kuwasoo kamid ahaa midka ay ku xasuuqeen 148 ardey oo dhiganyey jamaacad ku taala magalaada Garisa.

Xerada Dhadhaab oo ay ku xereysan yihiin qaxooti Somali ah ee gaaraya 350,000 ayaa ku taal 80km gudaha dalka Kenya. Dadkaan ayaa kasoo cararey intooda badan dagaaladii ka dhacey Somalia 1991.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM