Ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta oo dagaallamay

Image

20 December, 2015(GO)-Dagaal kharaar ayaa Waqooyiga dalka Yemen wuxuu ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo Xutiyiinta dalkaasi, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhaawac iyo dhimasho isugu jira.

Ugu yaraan 68 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, waxaana dadka dhintay ka mid ah ugu yaraan sideed iyo labaatan askari iyo afartan ka tirsan fallaagada.

Rabshadahan ayaa ka dhacay deegaan ka tirsan magaalada Harad oo u dhaw xudduuda Sucuudiga halkaasi oo ay ciidammada dowladda la wareegeen laba maalmood ka hor.

Lama garankaro sababta keentay dagaalka labada dhinac xilli lagu dhawaaqay xabad joojin lagu soo beegay wadahadallada nabadeed ee ka socda dalka Switzerland.

Ciidamada Yemen oo garabsanaya kuwa dalka Sucuudiga ayaa u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan magalada Harad, waxaana iska caabin xooggan kala kulmeen fallaagada dalkaasi. Warar hoose ayaa sheegaya in duqayn gaysteen ciidamada Sucuudigu ku bur buriyeen taangiyo iyo baabur dagaal kuwaasi oo ku sugnaa fariisin Xuutiyiintu leeyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM

Trump: “Iran iyo Israel way jebiyeen Xabad-joojintii”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayay in xabbad-joojin la ilaaliyo, isagoo tilmaamay in Iran ay sameysay waxyaabo khaldan.

  • Caalamka

    24-06-2025

  • 11:15AM