Ciidamada Israa’iil oo ku dhawaaqay dilka taliye guuto & ku xigeenkiisa

Image
Saraakiishan ayaa waxaa lagu dilay dagaallada ka socda marinka Qasa.

Qasa (GO) - Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay dhimashada taliye guuto, oo ka mid ahaa saddex askari oo shalay oo Isniin ahayd lagu dilay dagaallada ka socda marinka Qasa.

Sida laga soo xigtay ciidamada Israel, saddexda qof ee dhintay waxay ka tirsanaayeen guutada 630aad, waxayna kala ahaayeen taliyaha guutada Nathaniel Yakov Elkobi, iyo ku xigeenkiisa, Yair Cohen, iyo askar lagu magacaabo Ziv Chen.

Ku dhawaaqista dilka saddexdan askari ayaa kusoo beegmaysa maalin kaddib markii lagu dhawaaqay dilka laba askari oo ka tirsan ciidamada Israa'iil oo lagu dilay dagaalladii ka dhacay koonfurta marinka Qasa.

Labadaas askari ee la dilay waxay kala ahaayeen Adi Eldor, 21 jir ah, degganaa Haifa, iyo Askari Alon Kleinman, oo isna 21 jir ahaa, degganaa Tel Aviv.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM