Ciidamada Masar oo laayey dalxiiseyaal

Image

14 September, 2015(GO)-Milatariga iyo Booliska dalka Masar ayaa 12 qof ku dilay lama dagaan ku yaalla galbeedka dalkaasi.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Masar ayaa sheegeya in 12 qof oo ay ku jiraan dalxiisayaal u dhashay dalka Mexico si khalad ah loogu dilay hawlgal ka dhan ah mintidiinta oo milatariga iyo booliska waddankaasi fuliyeen.

Bayaan ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalxiisa-yaashu ay ku sugnaayeen dhul ka caagan in la galo iyagoo ku safrayey kolonyo baabuur ah.

Shilka aya yimi ka dib markii goobtaasi gaareen ciidamo isku dhafan oo baacsanayay kooxo mintidiin ah.

Sida laga soo xiganayo wasaaradda arimaha gudaha dalka Masar waxaa socda baaritaano ku aadan qaabka wax u dhaceen.

Lamadegaanka ku yaalla galbeedka dalkaasi ayaa caan ku ah dalxiisayaasha balse sidoo kale waa meel aad u soo jiidata kooxaha mintidka ah, waana halka laga galo xudduudda dheer ee dalkaasi uu la wadaago dalka Liibiya, halkaas oo hubka uu aad ugu badan yahay.

Shalay oo Axad ahayd ayaa kooxda dowladda Islaamiga ah ee dalka Masar waxa ay sheegtay in ay iska caabisay hawlgal milateri oo ka dhacay dhulkaasi saxaraha ah.

Ugu yaraan 21 askari ayaa halkaasi lagu dilay bishii Luulyo ee sanadkii tegay kaddib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ciidamada Masar u taalay jid-gooyo.

Dalka Masar waxa ku sugan kooxo sheegtay inay ka tirsanyihiin khilaafada Islaamka ee ISIS kuwaasi oo ka dagaalama qeybo ka mid ah Bariga dhexe

GAROWEONLINE.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM