Ciidamada Nigeria iyo Boko Haram oo ku dagaalamay Maiduguri

Image

February 2, 2015 (GO)- Dagaal xoogan ayaa magaalada Maiduguri ee ku taalla waqooyi-bari dalka Nigeria ku dhex maray ciidamada dalkaas iyo mileeshiyaad ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Boko Haram.

Af-hayeen u hadlay wasaarada amniga Nigeria ayaa sheegay in ciidamada oo taageero ka helaya dadka deegaanku ku guuleysteen inay iska caabiyaan weerarka Boko Haram islamarkaana dib u riixeen kooxihii duulaanka soo qaadey.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in xilligan xaaladu tahay mid degen ammaankana si buuxda ciidamadu gacanta ugu hayaan.

Weerarka kooxda Boko Haram kusoo qaadey magaalada Maiduguri oo ah kii labaad muddo bil gudaheed ah, wuxuu kusoo aadayaa xilli labo todobaad oo qura ka harsan yihiin xiliga ay dalkaas doorashada madaxtinimadu ka dhaceyso.

Shir-madaxeedkii dalalka Midowga Afrika ee labo maalmood kahor kusoo gaba gaboobey magaalada Addis Ababa ayaa lagu go'aamiyey in ciidamo gaaraya 7,500 loo diro dalka Nigeria, si ay dowlada dalkaas gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jirto kooxda Boko Haram.

Weerarada Boko Haram, waxaa laga soo bilaabo sanadkii 2009 ku geeriyoodey ku dhowaad 10,000 oo qof oo rayid u badan, waxaana ku barakacay dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso hal milyan oo qof.

GAROWE ONLINE + Al Jazeera

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM