Ciidamada Suudaan oo gaashaanka ku dhuftay Codsi uga yimid Iran

Image
Tehran ayaa doonaysa awood dheeri ah oo ay ku yeelato marin biyoodyada istiraatiijiga ah.

Tehran (GO) - Sarkaal ka tirsan sirdoonka Suudaan ayaa wargeyska “Wall Street Journal” u sheegay in ciidanka Suudaan ay diideen dalab uga yimid Iran oo ahaa in Tehran saldhig ciidan ka samaysato badda cas.

Sida laga soo xigtay sarkaalka Suudaan, Iran waxay u soo bandhigtay ciidanka inay siiso markab dagaal oo awood u leh inuu qaado diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn haddii ay ogolaato saldhigga milatari.

“Wall Street Journal” ayaa sheegtay in Iran ay rabtay inay la socoto isu socodka badda ee ka imaanaya Kanaalka Suweys iyo Israel.

Saraakiisha Maraykanka ayaa rumeysan in Tehran ay qorsheyneyso inay u adeegsato xiriirka ay la leedahay ciidamada Suudaan si ay awood dheeraad ah ugu yeelato marin biyoodyada istiraatiijiga ah ee Badda Cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM