Ciidamada Suudaan oo gacanta ku soo dhigay Saraakiil maleegayay Afgambi

Image
Xariga waxaa si gaar ah loola beegsaday saraakiil ka tirsan waaxda howlgallada ee Omdurman.

Khartoum (GO) - Sirdoonka Suudaan ee ku sugan Omdurman ayaa xiray tiro ka mid ah Saraakiisha Ciidanka, iyaga oo lagu eedeeyay in ay qorsheynaayeen afgambi, sida uu sheegay Wargeys ka soo baxa dalkaas.

Wargeyska “Al-Sudani” ayaa shaaca ka qaaday in xariga si gaar ah loola beegsaday saraakiil firfircoon oo ka tirsan waaxda howlgallada ee Omdurman.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Sudan in Saraakiisha la xiray ee shaqada laga joojiyay ay kala yihiin taliyaha kaydka xerada Sarkab, agaasimaha waaxda farsamada ee difaaca hawada, masuulka raadaarka iyo qalabka lidka ku ah diyaaradaha, iyo mas’uuliyiin kale.

Xariga Saraakiishan ayaa ku soo beegmaya xilli uu xubin ka tirsan Golaha Qaranimada Suudaan, Kaaliyaha Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, Ibraahim Jaber uu booqasho ku tagay Omdurman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM