Ciidamada Suudaan oo gacanta ku soo dhigay Saraakiil maleegayay Afgambi

Image
Xariga waxaa si gaar ah loola beegsaday saraakiil ka tirsan waaxda howlgallada ee Omdurman.

Khartoum (GO) - Sirdoonka Suudaan ee ku sugan Omdurman ayaa xiray tiro ka mid ah Saraakiisha Ciidanka, iyaga oo lagu eedeeyay in ay qorsheynaayeen afgambi, sida uu sheegay Wargeys ka soo baxa dalkaas.

Wargeyska “Al-Sudani” ayaa shaaca ka qaaday in xariga si gaar ah loola beegsaday saraakiil firfircoon oo ka tirsan waaxda howlgallada ee Omdurman.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Sudan in Saraakiisha la xiray ee shaqada laga joojiyay ay kala yihiin taliyaha kaydka xerada Sarkab, agaasimaha waaxda farsamada ee difaaca hawada, masuulka raadaarka iyo qalabka lidka ku ah diyaaradaha, iyo mas’uuliyiin kale.

Xariga Saraakiishan ayaa ku soo beegmaya xilli uu xubin ka tirsan Golaha Qaranimada Suudaan, Kaaliyaha Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, Ibraahim Jaber uu booqasho ku tagay Omdurman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM