Ciidamada Yahuuda oo dad horleh ku laayay koonfurta caasimada Lubnaan

Image
Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymahan ay ahaayeen kuwa lala eegtay shacab.

DOHA, Qatar - Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan (NNA) ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay saddex weerar ku qaadeen Haret Hreik oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda dalkaasi habeenimadii xalay, halkaas oo ay ku burburiyeen dhismayaal badan.

Weerarada waaberigii ayaa yimid xilli militariga Israa’iil ay sii wadeen duqeymaha ay ka geysanayaan koonfurta Lubnaan, iyadoo la sheegay in weeraro ay ka dhaceen Khiam, Jdeidat Marjayoun, al-Qalaa iyo Burj al-Muluk.

Horaantii, NNA waxa ay sheegtay in weerarradii Israa’iil dabayaaqadii Arbacadii ay dileen ugu yaraan shan qof ayna ku dhaawacmeen 23 kale oo ka dhacay Maarakeh.

Sagaal kale ayaa lagu dilay 65 kalena waa lagu dhaawacay Turos, sida la sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM