Ciidamadda Yahuuda oo "jirdilay ku khaarijiyey wiil Falastiini ah"

Image

QUDUS, Falastiin – Ciidamadda maamulka Israa'iil ayaa jirdil waxay ku khaarijiyeen wiil yar oo Falastiini ahaa meel ku dhow magaalada Turmus-Ayya ee waqooyi barri Ramallah, sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa tabisay in Amer Abedalrahim Snobar uu isbitaala gaarey "isagoo qoortiisa ku taala nabado badan".

Agaasmaha isbitaalka, Ahmed al-Bitawi, ayaa xaqiijiyey in Snobar uu u dhintay dhaawacyadda kasoo gaarey garaacistaan foosha xun.

"Waxaa ka muuqdey calaamado jirdil oo dhanka qoorta ah," ayuu Bitawi u sheegay saxaafadda ka howlgasha dhulka Falastiiniyiinta.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxdey isbitaalka uu tegay, qoorta Snobar waxaa ku taala jirdil loo adeegsaday budad iyo liifka qoryo.

Ururka Xorreynta Falastiin ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadaan, wuxuuna ku qeexeeyay ciidamadda Yahuuda in ay sameeyeen fal arxan daro ah isla markaana ay wiilka yar u beegsadeen in uu yahay muwaadin Falastiin.

Marxuum Snobar ayaa kasoo jeeday degmadda Yatma oo dhacda koonfurta magaaladda la haysto ee Nablus ee ka tirsan Daanta Galbeed.

Jirdil, dilka bareerka ah iyo xariga aan sharciga waafaqsaneyn ayaa kamid ah xadgudubyadda ay ciidamadda Yahuuda ka geystaan dhulka Falastiin. Dowladaha Islaamka qaarkoo way cambaareeyaan, qaar kalana kama hadlaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM