Ciidanka Israa'iil: ma damaanad qaadi doonno badqabka Suxufiyiinta ku sugan Qasa

Image

QASA - Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in aysan dammaanad qaadi karin badqabka suxufiyiinta ka howlgala marinka Qasa oo ay Israa’iil duqeymo iyo go’doomin ku hayso ku dhawaad ​​saddex toddobaad.

Ciidamada Israa’iil ayaa warqad u qoray wakaalada wararka ee Reuters iyo wakaalada France-Presse todobaadkan kadib markii ay codsadeen dammaanad qaad ah in duqeymaha Israa’iil aysan beegsan saxafiyiintooda ku sugan Qasa.

"IDF waxay beegsataa dhammaan dhaqdhaqaaqyada militari ee Xamaas ee Qasa," ayaa lagu yiri fariinta Ciidanka Israa'iil. Warqadda ayaa intaa ku dartay in Xamaas ay si ula kac ah ka fuliso howlgallada militari meelo ku dhow saxafiyiinta iyo rayidka.

Milatariga Israa'iil ayaa sidoo kale sheegay in duqaymaha ay xoojiyeen ee ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada Xamaas ay waxyeelo u geysan karaan dhismayaasha ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM