Ciidanka Israa'iil oo labo Falastiini ah ku dilay saacado gudahooda

Image
Saraakiil ayaa ka digay 2023-ka uu noqdo sanadkii ugu dhimashadda badnaa Falastiiniyiinta.

DOOXA, Qadar - Ciidamada Israa’iil ayaa wiil 14 jir ah oo Falastiini ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka. Dilkan ayaa calaamad u ah dhimashadii ugu dambaysay iyada oo ay socdaan rabshado.

Toogashadan oo lagu dhawaaqay aroornimadii Khamiista maanta ah, ayaa ka dhacday magaalada Qalqiiliya, iyadoo la sheegay in ciidamada Israa’iil ay xalay gudaha u galeen xaafad ka tirsan deegaankaas, taasoo keentay iska horimaad.

Dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhalinyarada xaafadda ay dhagaxaan ku tuureen askarta, kadibna ay rasaas ku jawaabeen.

Wakaalada wararka ee Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa ku sheegtay qofka la dilay in uu ahaa Faris Abu Samra. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in laga toogtay madaxa.

Falka ayaa dhacay saacado un ka dib markii nin kale oo Falastiini ah lagu dilay weerar ka dhacay Daanta Galbeed ee koonfurta gaar ahaan xerada qaxootiga ee Al-Ain ee duleedka Nablus.

Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in ay xerada u galeen si ay u qabtaan "qof looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin mintidiinta", balse markii ay ciidamadu isku gadaameen guri ku yaalla xerada qaxootiga, ayaa waxaa billowday rasaas, taasoo keentay in Mohammed Abd al-Hakim Nada laga toogto laabta. Markii dambe ayuu u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Saraakiisha ayaa ka digay in 2023 uu ku socdo wadadii uu ku noqon lahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa ee Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed tan iyo markii Qaramada Midoobay ay billowday inay la socoto dhimashada xagaagii 2005-tii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM