Ciidanka Sudan oo aqbalay inay sii wadaan wada-xaajoodka kala dhaxeeyo Ciidamada RSF

Image

KHARTOUM - Ciidamada Sudan ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay inay aqbaleen martiqaad ay u fidiyeen Boqortooyada Sacuudiga, si loo dhammeeyo wada xaajoodyada lagu soo afjarayo colaadda soo jiitameysay dhowr bilood ee u dhaxaysa Ciidamada Sudan & RSF.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan ayaa lagu yiri: “Waxaanu aqbalnay martiqaad aan ku tagayno magaalada Jeddah, si loo dhamaystiro wixii hore loogu heshiiyey, anagoo ka jawaabayna casuumad ka timid labada dal ee dhexdhexaadinta ah (Boqortooyada Sucuudiga iyo Maraykanka).

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: "Cirib-tirka iyo ka adkaanta fallaagada waa hadafka shacabka Suudaan iyo ciidamada qalabka sida, waxaana naga go'an in dalka aan u jiheyno jidka saxda ah."

Tan iyo bartamihii bishii April, Sudan waxaa ka jiray xaalado amni iyo kuwo bini'aadinimo oo khatar ah, taas oo ay ugu wacan tahay dagaallada u dhexeeya ciidanka iyo RSF ee ka socda caasimadda Khartoum.

Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada ilaa 10,000 oo qof, barakaca in ka badan 6 milyan, waxaana uu sababay khasaare dhaqaale oo lagu qiyaasay tobanaan bilyan oo doolar.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM