Ciidanka Sudan oo aqbalay inay sii wadaan wada-xaajoodka kala dhaxeeyo Ciidamada RSF

Image

KHARTOUM - Ciidamada Sudan ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay inay aqbaleen martiqaad ay u fidiyeen Boqortooyada Sacuudiga, si loo dhammeeyo wada xaajoodyada lagu soo afjarayo colaadda soo jiitameysay dhowr bilood ee u dhaxaysa Ciidamada Sudan & RSF.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan ayaa lagu yiri: “Waxaanu aqbalnay martiqaad aan ku tagayno magaalada Jeddah, si loo dhamaystiro wixii hore loogu heshiiyey, anagoo ka jawaabayna casuumad ka timid labada dal ee dhexdhexaadinta ah (Boqortooyada Sucuudiga iyo Maraykanka).

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: "Cirib-tirka iyo ka adkaanta fallaagada waa hadafka shacabka Suudaan iyo ciidamada qalabka sida, waxaana naga go'an in dalka aan u jiheyno jidka saxda ah."

Tan iyo bartamihii bishii April, Sudan waxaa ka jiray xaalado amni iyo kuwo bini'aadinimo oo khatar ah, taas oo ay ugu wacan tahay dagaallada u dhexeeya ciidanka iyo RSF ee ka socda caasimadda Khartoum.

Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada ilaa 10,000 oo qof, barakaca in ka badan 6 milyan, waxaana uu sababay khasaare dhaqaale oo lagu qiyaasay tobanaan bilyan oo doolar.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM