Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Image

ALEPPO – Ciidanka Suuriya ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in ay si buuxda u soo afjareen hawlgal amni oo ballaaran oo ka dhacay xaafadda Sheikh Maqsoud ee magaalada waqooyiga dalka ku taalla ee Aleppo, xilli ay sii xoogeysanayso colaadda ay la leeyihiin kooxda YPG.

Taliska Hawlgallada Ciidanka Suuriya ayaa ugu baaqay shacabka ku nool xaafaddaas “in ay ku sugnaadaan guryahooda oo aysan dibadda u bixin”, sababo la xiriira xubno ka tirsan kooxaha YPG iyo PKK oo lagu tilmaamay argagixiso, kuwaas oo la sheegay inay ku dhex dhuumanayaan shacabka, sida ay werisay wakaaladda wararka dowladda Suuriya ee SANA.

Taliska ayaa intaa ku daray in shacabka ay la xiriiri karaan ciidamada jooga goobta haddii ay jiraan xaalado degdeg ah ama ay rabaan inay soo sheegaan dad looga shakisan yahay.

Horey, Wasaaradda Difaaca Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “xalka keliya ee u haray xubnaha hubeysan ee ku sugan xaafadda Sheikh Maqsoud uu yahay inay si degdeg ah isu soo dhiibaan, hubkoodana ku wareejiyaan xarunta ciidan ee ugu dhow, si loogu dammaanad qaado naftooda iyo badbaadadooda shakhsiyadeed”.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka, isla markaana ay si adag ula tacaamuli doonaan isla markaana burburin doonaan il kasta oo rasaas ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaanka loona ilaaliyo shacabka”.

War hore oo ay SANA baahisay ayaa sheegay in hawlgalku uu caqabado kala kulmay “isticmaalka shacabka sidii gaashaanno bani’aadamnimo” oo ay sameeyeen kooxda YPG, iyo in ay ku dhex dhuunteen guryaha dadka rayidka ah. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ciidanku ay xireen xubno ka tirsan YPG.

Wasaaradda Difaaca Suuriya ayaa horey u sheegtay in hawlgallada ka socda xaafadda lagu wado “si tartiib ah oo taxaddar aad u sarreeya”, maadaama kooxda hubeysan ay rayidka u adeegsanayso gaashaanno bani’aadamnimo, sida ay SANA werisay.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in intii lagu jiray baaritaannada iyo hawlgallada lagu qabtay hub culus oo ay lahaayeen kooxda YPG.

Ciidanka Suuriya ayaa habeenkii Jimcaha sheegay inay bilaabeen hawlgalkan kaddib markii ay dhammaadeen dhammaan wakhtiyadii loo qabtay kooxda YPG si ay uga baxaan xaafadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM