Ciidanka Yahuuda oo 100 Falastiiniyiin ah dilay sanadkan 2022

Image
Mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay falalka amni darrada ah.

DOOXA, Qadar - Ugu yaraan 100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus sanadkan 2022 iyadoo ay aad u kordheen duqeymaha ay geysanayaan ciidamada Israa'iil, sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay BBC.

Tiradan ayaa waxay  ka dhigan tahay in sanadkan uu hadda ku socdo inuu noqdo kii ugu dhimashada badnaa ee Falastiiniyiinta  daanta galbeed tan iyo 2015.

Dadkan intooda  badan waxaa toogasho ku dilay ciidamada ammaanka Israa’iil, halka dhowr kalena ay toogteen dad rayid ah oo Israa’iili yiin ah oo hubeysan.

Iyadoo kooxaha xuquuqul-insaanka ay  soo saareen  qeylo dhaan isasoo tareysa, tirooyinkan ayaa muujinaya in ku dhawaad shan meelood meel Falastiiniyiinta la dilay ah ay ahaayeen caruur, oo kan ugu yar uu ahaa 14 jir.

Liiska dhimashada ayaa waxaa ka mid ah rag hubaysan oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah, iyo rag dhalinyaro ah oo la toogtay kaddib markii la sheegay inay dhagaxaan iyo bambooyinka shidaalka ku tuureen dad rayid ah oo aan hubaysneyn iyo sidookale shakhsiyaad fuliyay weerarro loo adeegsaday  mindi iyo hubka noocyadiisa kale ee fudfudud, kuwaasi  oo ka dhan ah askarta  iyo shacabka Israa'iil.

Bishii August ee Sanadkan 2022, madaxa xuquuqul-insaanka ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in kiisas badan oo ka dhashay " isla xisaabtan la'aan" ay u muuqdeen kuwo jebiyay sharciga caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay falalka amni darrada ah ee ka dhaca waqooyiga daanta galbeed.

Tirakoobka  dhimashada Falastiiniyiinta  ee aan sameynay ayaa waxaan ka soo qaadanay ilo kala duwan oo ay ka mid yihiin baahinta BBC-da ee gudaha, warbixinnada warbaahinta gobolka iyo warbixinnada kooxaha aan dawliga ahayn iyo hay'adaha Qaramada Midoobay.

GO + BBC

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM