Ciraaq: dad boqol ka badan oo dab ku Geeriyooday

Image

BAQDAAD - Gobalka Niinawa ee dalka Ciraaq dad kor u dhaafaya boqol qof ayaa ku geeriyooday ke dib markii uu dab ka kacay goob ay ka socotay xaflad Aroos.

Masuuliyiinta dowlada Ciraaq ayaa sheegay in ay Xireen in ka badan 13 qof oo ay ku jiraan 4 qof oo mulkiilayaasha xarunta ahaa.

Wasiirka arimaha gudaha Ciraaq,Cabdil Amiin Al-Shumari ayaa warbaahinta u sheegay in 93 qof dhimashadooda ay xaqiijiyeen isla markaana dhaawucu uu intaas ka badan yahay.

Wasiirka Caafimaadka ee Ciraaq, Saalax Mahdi Xasanaawi ayaa sheegay in ay u saareen guddi ka sal gaara khasaaraha dhacdada iyo waxyaabaha ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM