Ciyaaryahan caan ah oo ku dhintay weerar ay geysteen ciidanka Yahuuda

Image
Ciyaaryahan caan ah oo ku dhintay weerar ay geysteen ciidanka Yahuuda

DOOXA, Qadar - Ururka Kubadda Cagta Falastiin ayaa si murugo leh uga tacsiyeeyay geerida Muhammad Barakat, ciyaaryahan caan ah oo ku dhintay weerar ay Israa’iili ka geysatay magaaladda Khan Younis.

Cayaaryahankaan ayaa waxaa loo yaqaaney ‘Halyeeyga Khan Younis’. Dhimashadda Barakat waxay si cad u muujineysaa saameynta colaadda socota ku yeelatay kubadda cagta Falastiin. 

Ilaa hadda, 157 ciyaartoy Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 90 ciyaartoy kubadda cagta, ayaa la dilay tan iyo Oktoobar 7. Xiriirka PFA wuxuu walaac ka muujiyay saameynta colaadan ku yeelatay isboortiga iyo nolosha Falastiiniyiinta.

Dhanka kale, dhaqaatiir Israa’iiliyiin ah ayaa ka digay cudurada faafaya ee ka jira Gaza, oo ay ku jiraan infekshannada neef-mareenka ee daran, cudurrada caloosha iyo mindhicirada, hepatitis A, iyo jadeecada.

"Biyaha wasakhaysan ee bullaacadda ayaa laga yaabaa inay wasakheeyaan xeebaha Israa’iil iyo warshadaha sifaynta biyaha," ayay ku sheegeen digniin ay soo saareen. 

Xogta, oo laga soo uruuriyay hay’adaha caafimaadka caalamiga ah, ayaa muujinaysa dhibaatada bani’aadamnimo oo ay ku jiraan shacabka Falastiin kuwaas oo ciidamada Israa’il ka burburiyeen adeegyadii aasaasiga ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM