Ciyaaryahan caan ah oo xaaskiisa iyo laba carruur ah ku waayay dhulgariirkii Venezuela

Image

CARACAS – Ciyaaryahanka u dhashay Argentina ee u ciyaara kooxda reer Venezuela ee Club Sport Marítimo de La Guaira, Lucas Trejo, ayaa waayay xaaskiisa iyo labadiisa carruur ah kadib dhulgariirkii xooganaa ee toddobaadkii hore ku dhuftay Venezuela.

Kooxda uu u ciyaaro Trejo ayaa xaqiijisay geerida qoyskiisa, iyadoo tacsi u dirtay ciyaaryahanka. Qoraal ay kooxda ku baahisay barteeda Instagram-ka ayay ku sheegtay inay ka murugoonayaan geerida xaaskiisa Yanina Trejo iyo carruurtooda Aarón Trejo iyo Ainhoa Trejo.

Kahor inta aan la xaqiijin geerida qoyskiisa, Trejo ayaa warbaahinta Noticias Telemundo u sheegay inuu gacmihiisa ku qodayay burburka dhismaha si uu u helo xaaskiisa iyo carruurtiisa, maadaama goobta aysan ka jirin qalab ku filan oo wax lagu badbaadiyo.

"Waan ka soo cararay ciyaar aan ka qeybgalayay oo guriga ka fogeyd markii aan maqlay dhulgariirka. Markii aan imid, waxaan arkay in dhismihii uu gebi ahaanba dumay," ayuu yiri isagoo ilmeynaya.

Trejo ayaa sidoo kale sheegay inuu isbitaallo badan ka raadinayay wiilkiisa Aarón kadib markii la isla dhexmaray in ilmo yar laga soo badbaadiyay burburka, balse ugu dambeyn waxaa la xaqiijiyay in xaaskiisa iyo labada carruur ay geeriyoodeen.

Dhanka kale, ciyaaryahan kale oo isla kooxdaas ka tirsan, Héctor Bello, ayaa isna ku waayay xaaskiisa Andrea Bello, oo la sheegay inay nafteeda u hurtay si ay u badbaadiso gabadhooda yar xilligii dhismaha uu soo dumayay.

Dhulgariirrada mataanaha ahaa ee cabbirkoodu kala ahaa 7.2 iyo 7.5 ayaa ku dhuftay Venezuela Arbacadii, kuwaas oo sababay burbur baaxad leh. Dowladda Venezuela ayaa sheegtay in in ka badan 1,400 qof ay ku dhinteen, halka 3,150 kale ay ku dhaawacmeen. Tobannaan kun oo qof ayaa weli la la'yahay, iyadoo hawlgallada samatabbixinta ay wali socdaan si loo raadiyo dadka ku hoos jira burburka.

GAROWE ONLINE

Related Articles