Ciyaaryahan ka ciyaara Yurub oo ku geeryooday gudaha Garoonka

Image
Image
Image
Image
Image

TIRANA (GO) - Rafael Dwamena oo ah ciyaaryahan u dhashay dalka Ghana ayaa maalinta sabtida ah ku geeriyooday garoonka xilli la ciyaarayay kulan ka mid ah Horyaalka Kubadda Cagta Albania.

Xidhiidhka kubbada cagta Ghana ayaa ku dhawaaqay in Raphael Dwamena oo ahaa ciyaartoyga xulka qaranka Ghana uu geeriyooday isaga oo 28 jir ah ka dib markii uu ku suuxay garoonka intii ay ciyaartu socotay.

Inkastoo aan faah faahin rasmi ah laga helin geerida Dwamena, hadana muuqaallo lagu soo bandhigay Baraha Bulshada ayaa muujinaya ciyaaryahanka oo ku dhacaya garoonka daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta u dhaxeysay kooxda oo u ciyaaro Dwamena KF Egnatia iyo Partizani.

Muuqaallada ayaa muujinayay Dwamena oo ku sii dhacaya garoonka dhexdiisa, ka hor inta ayna ciyaartoyda labada kooxood u soo yaacin. Intaa ka dib, waxaa garoonka la keenay gaari ambalaas ah.

Dwamena ayaa hore garoonka ku dhax dhacay bishii Oktoobar 2021, Xilli la ciyaarayay kulan dhexmaray kooxdiisii ​​markaas ee Blau-Weiss Linz iyo Hartberg ee koobka Austria, laakiin wuu soo kabsaday wuxuuna ku soo laabtay garoonka.

Intii uu ku guda jiray xirfadiisa, Dwamina wuxuu u soo ciyaaray kooxo ku kala dhisan Spain, Switzerland, Austria iyo Denmark.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM

PKK oo shaacisay inay hubka dhigayso si usoo afjarto dagaalka dowladda Turkiga

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Firat News Agency — oo ah ilo warbaahineed si weyn ugu dhow PKK.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:16AM